English عربي

Dhulka Soomaaliyeed waxaa la maamuli jiray waqti aad u taariikh fog aad u qadiimi ah.Waxyaabaha ku tusaayana waxaa ka mid ah, guryaha aadka u qadiimsan oo dhagaxa laga sameeyay iyo darbiyada qadiimka ah sida Darbiga wargaade, waana dhul ku tusaya in uu lahaan jirey far qoraal ah oo aad u uqadiimi ah.Soomaalida waxay taariikh dheer la lahaan jireen, masaaridii hore, waxaana jira waxyaabo ku tusaya in ay soomaalya tahay dhulkii uduga.

Qarnigii toban iyo sagaalaad

1875kii waxay ahayd markii ugu horaysay ee gumaystayaashii Ingriiska, Faransiiska, iyo Talyaaniga marka ay soo cago dhigeen gayiga Soomaaliyeed. Ingriiska oo maamulayey Cadan (Yamen), wuxuu go'aansaday in uu lug ku yeesho dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed (Berbera). Ingriisku wuxuu ku fakerayey in si uu u ilaashado maraakiibtiisa ka imanaysa India, ee maraysa badda cas ay lagama maarmaan tahay in uu hanto Berbera. Fransiisku wuxuu isna ku fekaray in halka ugu dhaw ee uu Ingriiska ka carqaladaynkaro uu yahay isaga oo Djibouti deegaan ku yeesha. Ingriiska markaas wuxuu ka waday Bariga Africa dhisitaan khad tareen oo isku xidha wadamada Bariga Africa. Talyaaniguna wuxuu markaas lawareegay gacan kuhanynta Koonfurta Soomaaliya oo aan markaas ahayn dhul leh ahmiyad lamid ah kan dhinaca waqooyi ee Soomaaliya. Maadaama Ingriisku aanuu aad u danaynayn Koonfurta Soomaaliya. Talyaaniga waxay u noqotay tani fursad uu ku doodo in uu kamid yahay wadamada reer Europe ee wax gumaysta. 1900. boqorkii Ethiopia Menelik wuxuu qabsaday dhulka Soomaali-galbeed.

1899kii Sayid Maxamed Cabdule Xasan wuxuu dagaal kala horyimid Gumaysigii Ingriiska. Wuxuu Sayidku dagaalka waday mudda 21 sano ah.Ugudanbayn Ingriisku waxay duqayn xagga hawada ah ku baabi'iyen xarumihii Sayidka. Tani waxay keentay in uu hakad galo halgankii umadda Soomaalidu ay kula jirtay Gumaystihii dalka ku sugnaa.1941-1949kii Ingriisku wuxuu maamulayey gabi ahaanba Soomaaliya, maadaama ay xulafadiisii ku guulaysatay dagaalkii labaad (WWII). 1948kii xulafaddii dagaalkii labaad (WWII) ku guulaysatay waxay ugu deeqeen Itoobiya in ay hanato dhulka Soomaaligalbeed . 1949kii Qaramada Midoobay waxay 10ka sano ee soosocota Soomaaliya hoos gaysay Xukuumadda Talyaaniga.SYL tan aad ayay uga soo horjeesatay xiligaas, waxayna muujisay sida dadka Soomaaliyeed diyaarka ugu yihiin in ay xoriyad helaan. 26 jun, 1960 Soomaalida Waqooyigu waxay ka xoroobeen Ingriiska. Isla sanadkaas 1st July, 1960kii Soomaalida Koonfurtu waxay ka heleen madaxbanaani Talyaaniga, Isla markaas neh dalka wuxuu ku midoobay jamhuuriyad.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya wuxuu noqday Aadan Cabdulle Cusmaan ra'iisul wasaarihiisa neh wuxuu noqday Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo asiga neh noqonaayo madaxweyne 1967–1969).1961 soomaaliya waxaa laga hirgaliyay dastuurkii ugu horeeyay ee dalka, waxeyna sameyntiisa soo bilaabatay 1960ki-1964]]kii Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa dhexmaray dagaal gaaban. Isla wakhtigaas Itoobiya iyo Kiinya waxay wada saxiixdeen heshiis dhinaca milateriga ah oo Soomaaliya ka dhan ah. Xiligan Soomaaliya waxay u leexatay in ay kaalmo milatari ah waydiisato Soviet Union. Maraykankuna wuxuu isla xiligan kaalmo dhaqaale iyo mid milateriba siiyey Itoopiya.1967 Waxaa madaxweyne noqday Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ra'iisul wasaarihiisa ne wuxuu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal allaha u naxariistee.

Xukunkii Millateriga

21 Octobetr, 1969kii Maj. General Maxamed Siyaad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay lawareegeen talada dalka, waxayna inqilaabeen xukuumaddii Ra'iisal-wasaare Maxamed Ibrahim Cigaal kadib dilkii madaxweynihii Qaranka Cabdirashiid Cali Sharmaarke 15 October, 1969 uu ku dilay mid kamid ah ilaaladiisi magaalada Laascaanood. 1 January, 1973 xukuumadda Milatterigu waxay ku dhawaaqday in afkii Soomaaliga laqoro. Bishii August, 1974 ugu yaraan 20,000 macalin Soomaali ah ayaa ka qaybgalay ololihii horumarinta reermiyiga. June, 1976 Xukuumaddi Milaterigu waxay abuurtay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Wuxuu ahaa xisbiga kaliya ee loo ogalaa dalka. Xiligaas Xukuumadda Milaterigu waxay ku dhawaaqday in ragga iyo haweenku simanyihiin, waxayna abuurtay xoogag cusub oon horay loo aqoon Sida, "Guulwade." 1977-1978 waxaa socday dagaalkii gobolka waqooyi galbeed ee dhexmaray Soomaalida iyo Ethiopianka. April, 1978 koox katirsan ciidamaddii qalabka siday ayaa isku dayey inqilaab dhicisoobay. Desember, 1979 Xukuumaddii Milaterigu waxay qabatay doorashooyin baarlamaan; Laakiin golihii baarlamaanku wuxuu kayimid haldhinac oo ahaa dhinaca Xukuumadda.February, 1982 Maj General Maxamed Siyad ( Madaxweyniha Soomaaliya) wuxuu booqday Washington. Xilligaas waxaa xabsiga laga siidaayey ra'iisalwasaare Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaase xabsiga lootaxaabay siyaasiyiin kale oo ay kujiraan qaar kamid ah golihii wasiirada. Siyaasiyiintan markan xabsiga lootaxaabay waxaa kujiray Dr. Maxamed Aden Sheikh, Maj. General Cumar Xaji Masalle ( oo labadaba ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynaha); Madaxweyne ku xigeenkii, Ismacil Cali Oboker, iyo Wasiirkii Arimaha Dibadda, Cumar Carte Qaalib.

Gobol

Soomaaliya waxaa si rasmi ah u qaybsan sideed iyo toban gobol, taasoo booskeeda ku kala qaybsanyihiin degmooyin. Gobollada yihiin:

  • Lower Jubba
  • Middle Juba
  • Gedo
  • Bay
  • Bakol
  • Lower Shabelle
  • Banadir
  • Middle Shabelle
  • Hiran
  • Galgaduud
  • Mudug
  • Nugal
  • Bari
  • Sool
  • Sanaag
  • Togdheer
  • Waqooyi Galbeed
  • Awdal

Webiyada

Dalka Soomaaliya waxaa mara labo webi oo kala ah Webiga Jubba iyo Webiga Shabeelle, waxayna ka yimaadaan dhanka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobiya. Labada webi waxaa ugu dheer Webiga Shabeelle oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km. Webiga Shabeelle wuxuu dalka kasoo galaa soohdinta uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer, wuxuuna soo maraa magaalooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Afgooye iyo Jannaale. Wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood. Webiga Jubba isagu waxaa uu dalka ka so galaa soohdinta uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya, wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow, Luuq, Baardheere, Bu'aale, Jilib, Mareerey, Kabsuuma iyo Jamaame. Wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

Dalxiiska

Wayadii hore soomaaliya waxee eheed wadan loo soo dalxiisi jiray, waxeena eheed wadan runtii qaali ah oo dalxiiseyaasha meesha ee rabaan ka dhici jireen.Waxee eheed wadan aad loo amaani jiray.Soomaaliya waxee laheed meelo badan oo taariikhi ah, waxee laheed dhul aad u qurxan oo xayawaanaadka ka buuxaan, waxee leheed meelo ee dalxiise yaasha ku raaxeestaan, waxee leheed xeebaha ugu qurxan dunida.Laakiin nasiib darro waxaas oo dhan waxaa burburiyay dagaalada. Soomaaliya jabkaas wee ka soo noqon kartaa haddii ee dowlad hadda hesho.Wali waxee leedahay xeebaha ugu qurxan caalamka, gaar ahaan xeebaha koonfurta, in kastoo meelaha qaar ee wasaq la soo daristay, sidoo kale wali waxee leedahay dhul ee xayaawaanaadka ka buuxaan, Shacabka neh mar kasto waxee dhisaan magaalooyinka, ayada oo madaafiic maalin kasto si arxan darro ah loogu garaaco.

Cunto

Cunto kala duwan ayaa laga isticmalaa dalka Soomaaliya. Waa sheyga oo Soomaaliya ee ku dhaqan qani ah oo ganacsi ah. Inkasta oo kala duwan yihin raashinka, waxa jira taasi hal wax oo isku xidhaya ee cuntada goboleed oo kala duwan: cuntada oo dhan waa xalaal. Ma jiraan suxuunta doofaarka sidaa daraadeed, khamriga ma la adeegan karo, waxba bakhtiye ma la cunkaro, iyo dhiig wax lagu daray. Inta badan Qaddo weey baahsantahay.

Faanka

Soomaaliya waxay leedahay dhaqan qani, faanka oo xudun u ah hiddo dhaqanka Soomaaliyeed. Marka hore oo ad dhagaysatid, heesaha Soomaalida waxaa laga yaabaa in lagu qaldo dhawaaqa ee gobolada u dhow: sida Ethiopia, Sudan ama Gacanka Carbeed, laakiin ugu dambayntii waa laga aqoonsan kara Gurtida u gaarka ah iyo hanaan. Heeso Soomaaliyed waa sheyga iskaashi Caadi ahaan u dhaxaysa midho, Laxan iyo nimankii gabayaaga ahaa codka.

Suugaanta

Culimada Soomaaliyeed ayaa qarniyo badan soo saaray tusaalayaal cajiib badan oo suugaanta Islamiga u dhaxaysa gabay ilaa Xadiiska. Markii la qaatay xarfaha laatiinka ee 1972 sida caadiga ah labeddelay qoraalka, dad faro badan oo ay qorayaashu Soomaalida waxey soo bandhigen boogag farabadan, kuwaas oo qaarkood waxay ku socdeen si ay u helaan loona caalamka oo dhan. Oo ka mid ah qorayaasha casriga ah, Nuruddin Farah aa ugu caansan. Buugag sida "From a Crooked Rib" iyo "Links" waxaa loo tixgeliyaa in guulaha suugaanta Muhiim ah, shuqullada kasbadeen Farah kuwee, mid abaalmarino kale, 1998 Neustadt International Prize for Literature. MJ Faarax Cawl waa qoraa kale oo caan ah oo Soomaali ah oo la fiican laga yaabaa yaqaan xilligii daraawiishtii sheeko, Jahligu waa cadowga jacaylka.

Ciyaraha

Kubada cagta waa isboorti ee ugu caansan dalka Soomaaliya. Muhiim tartamada gudaha yihiin Soomaaliya iyo Somalia League Cup Iyadoo kooxda kubada cagta ee qaranka Somalia -internationally ciyaaro.

Naqshadaha

Naqshadaha Somali waa dhaqan qani ah oo kala duwan oo ah injineernimada iyo naqshadeynta Qeyb kala nooc dhismaha badan, dhaqma si ay ka mid yihiin magaalooyinka dhagax ah, oo qalcado, daaraheeda dhaadheer, oo qalcadahaagana, masaajiddada, macbadyada, munaarado, iyo tumuli, beeblayne, xabaalaha iyo lighthouses.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed