Safiirka oo kulan xasaasi la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hayadda Immigrationka ee Dalka Malaysia

Posted by Somalia in Malaysia 1 year ago

Waxaan maanta Kulan xasaasi la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hayadda Immigrationka ee dalka Malaysia. Waxaan siiye Warbixin ku saabsan dhibaatada haysato Jaaliyadda Somaliyeed gaar ahaan Ardeyda Somaliyed wax ka barata dalka Malaysia Iyo culuska ka haysta xagga Immigrationka Iyo Boliska. Sida oo kale nidaamka dheer oo lagu dalbanaayo waxbarashada Malaysia.

Agaasimaha Guud waxaan kale aan Warbixin ka siiye tirada ardeyda Somaliyeed wax ka barata Jaamacadaha dalka Malaysia oo tiradooda gaareyaan ilaa 4000 kuwaasoo in arrimadooda si gaar ah loo tixgeliyo ama si sharci darro loo xirin. Sida oo kale waxaan Agaasimaha Guud warbixin ka siiye tirada kumanaan kun Ardeyda Somaliyeed ka Qalin Jabiye Jaamacadaha dalka Malaysia, kuwaasoo ka hayaan Somaliya Jagooyin sar-sare, Heer Wasiiro, Xildhibaano, Madaxweyne Dawlad Goboleed, Madaxda, Saraakiil sar-sare ee Hayadaha Dawladda kala duwan, shirkadaha madax banaan Iyo Bankiyada.

Agaasimaha Guud waxaan kale uga warbixiye Somali Malaysia deggen in aad ku yartahay fal dambiyeed ay galaan marka loo eego Jaaliyadaha dalalka kale dambiyada ay ku galaan Malaysia. Gaba-gebadii Agaasimaha Guud Immigration wuxuu sheegay inuu arrimahaas oo dhan wax ka qabandoono, Kulan kalena si degdeg isku imaandoono dhowaan.

Amb Abukar Abdi Osman